Haatuf News
Issue: 221 ________________________Date:
|
C |
eerigaabo (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland , mudane Daahir Rayaale
Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa shalay gelinkii dambe ka soo baqoolay
magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sool, ka dib markii ay weftigaasi
halkaa booqasho ku joogeen laba caano-maal.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf, Liibaan Maaweel
Shire oo ka mid ah weriyayaasha weftiga la socda weftiga madaxweynuhu waxay
magaalada Ceerigaabo uga soo baqooleen dhinaca galbeedku. Hase
yeeshee madaxweyne Rayaale subaxnimadii shalay ayuu meel fagaare ah kala hadlay
dadweynaha reer Ceerigaabo oo si weyn isugu soo baxay, wuxuuna madaxweynuhu
khudbadiisa kaga hadlay ujeedada safarkiisa iyo arintii kala kulantay magaalada
Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa
“Laascaanood nabadgelyo ayaan ku tegay, reer Laascaanood-na way I soo
dhoweeyeen, laakiin waa nalagu soo duulay, kuwii nagu soo duulayna waanu iska
difaacnay oo may lahayn awood ay wax nagu yeelaan, waxaanuse u danaynay
nabadgelyada dadka reer Laascaanood, sidaas ayaanu uga baxnay magaalada”ayuu
yidhi madaxweyne Rayaale, laakiin waxa uu intaa ku daray “Dadka reer Somaliland
ha u diyaar garoobeen difaaca dalkooda, dawladuna waxba kala hadhimayso
awoodeeda”.
Madaxweyne Rayaale waxa kale
oo uu khudbadiisa Ceerigaabo kaga hadlay waxyaalihii uu qabtay mudadii uu xilka
hayey, isaga oo sheegay inuu wax badan ka qabtay siyaasadda arimaha debedda iyo
qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland, sidaa darteedna ay rajada arinta
aqoonsigu aad u wanaagsan tahay, laakiin madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu
khudbadiisa Ceerigaabo kaga hadlay dhinaca doorashooyinka, isaga oo sheegay inay
doorashooyinku waxtar u leeyihiin Somaliland hadii ay u dhacaan si nabadgelyo
ah, balse hadii kale ay waxyeelo u gaysanayaan, sidaa darteed madaxweyne
Rayaale waxa uu dadweynaha Reer Ceerigaabo ugu baaqay inay ilaaliyaan
nabadgelyada., laakiin isaga oo weli ka hadlaya doorashooyinka waxa uu ku
tilmaamay doorashooyinka inay noqon doonaan kuwo xor ah oo uu qof waliba u
codayn doono cidda uu jecel yahay, hase yeeshee waxa uu khudbadiisa ku xusay
inuu u taagan yahay tartanka madaxtinimada madaxweynenimada Somaliland, isla
markaana uu ka sharaxan yahay ururka UDUB, isaga oo intaa ku daray inuu ku
rajoweyn yahay inuu ururkiisu kuu guulaysan doono doorashada.
Madaxweyne Rayaale ugu
dambayn waxa uu khudbadiisa ku dheegay ballan-qaadyo wax qabad, taas oo uu
sheegay inuu degdeg wax uga qaban doono dhismaha wadada rafka ah ee Ceerigaabo
ilaa Burco, isaga oo sheegay in dhismaha wadadaa laga soo bilaabi doono dhinaca
Ceerigaabo.
Sida uu
sheegay weriyaha Haatuf waxa kale oo fagaaraha Ceerigaabo ka hadlay wasiirada
warfaafinta iyo maaliyadda dawladda
Madaxweyne
Rayaale iyo weftigiisa waxa lagu wadaa inay goorta dambe oo xalay ah soo
gaadhaan magaalada Burco, iyadoo ay wararka qaarkoodna sheegeen inuu maanta
dadweynaha reer Burco kala hadlayo meel fagaare ah, ka dibna waxa laga yaabaa
inuu u soo gudbo dhinaca Hargeysa.
Madaxweyne
Rayaale oo Axaddii doraad ka baqoolay degmada Caynabo oo uu muddo hal habeen ah
ku sugnaa ka dib markii uu ka soo laabtay Laascaanood oo uu dagaal ku haleelay.
Banaan-Bax Lagu
Diidan Yahay Weerarkii Laas-Caanood Oo Ka Dhacay Buuhoodle
B
|
uuhoodle (Haatuf) Dadweynaha ku
dhaqan degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa shalay isugu soo baxay
mudaaharaad ballaadhan oo ay kaga soo horjeedaan weerarkii maalintii sabtidii
lagu qaaday madaxweynaha iyo wefti uu hogaaminayo oo ku sugnaa magaalada Laas-caanood
ee gobolka Sool. Waxaanay dadweynaha reer Buuhoodle weerarkaa ay Puntland soo
qaaday dusha ka saareen ina Xaabsade oo ay ku
tilmaameen dagaal ooge ka masuul ah wixii ka dhacay Laas-caanood, isla markaana
doonaya inuu qas iyo dhib ka abuuro jiida u dhaxaysa
Mudaharaadkaa
ay isugu soo baxeen dadweynaha Buuhoodle waxaa hadalo ka jeediyay Gudoomiyaha
Buuhoodle C/laahi Axmed Nuur (Subayr), Taliyaha saldhiga 8aad ee Ciidanka Qaranka
Bashiir Jaamac Baydan, iyo cuqaal ka tirsan deegaanka Buuhoodle kuwaasoo
dhamaantood madaxweynaha iyo weftigiisa uga tacsiyadeeyay shilkaa lama filaanka
ah ee ku dhacay, iyaga oo cadeeyay inay tahay mid xaaraan ah oo meel ka dhac
weyn ah, ugu dambayntiina waxay balan qaadeen inay ku garab taaganyihiin
bulshada reer Somaliland wixii arrinkaa lagaga jawaabayo.
Siday Reer Berbera U Arkeen
Weerarkii Laas-Caanood
|
B |
erbera (Haatuf):- wariyaha Haatuf ee gobalka Saaxil
C/raxmaan X. Daahir (Casaan) ayaa sheegay in dadka ku nool magaalada Berbera
aqoonyahano cuqaal ganacsato ay intooda badan dareen cadho leh ka muujiyeen
marka aay ka dhagaysteen idaacadda BBC-da wararka lagu soo qaaday Laas-caanood
iyadoo halkaa uu ku sugnaa xiligaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane
Daahir Rayaale Kaahin wariye C/raxmaan wuxuu aragtidaada weerar kaa
Laas-caanood wax ka weydiiyay dad ka kale tirsan qaybaha bulshada ee dadweynaha
ku nool magaalada Berbera, waxaa ka mid ahaa dadkaas Ganacsade Xuseen Sanca oo
fadhigiisu yahay magaalada Berbera kana soo jeeda gobalka Sool, Waxanu Xuseen Sanca
arintaas ka yidhi “Waxa uu ahaa dagaal si xilkasnimo daro ah u dhacay
Madaxweynaha iyo waftigiisa waa lagu martiqaaday gobalka Sool, may ahayn waxa
Laas-caanood ka dhacay wax talo ku dhacay ma aha, wax umadu raali ka tahayna ma
aha, wixii dhacay waa in talo mideeysan lagu xaliyaa”.
Wariye C/raxmaan waxaa kale oo uu aragtidiisa
weerarkii Laas-caanood uu waydiiyay Maxamed Aadan (Gando-Cade) oo ka mida
aqoonyahanada ka qaybgalay halgankii xoraynta ee Somaliland waxaanu yidhi: “Arinta
dhacday waa mid aad iyo aad u foolxun waana niman gardaro iyo kibir inoo keenay
waxa weeyi in lala dagaalamo oo ninka isaga oo boosaaso jooga leh reernimo
ayaan Laas-caanood ku doonayaa waa in dagaal cad lagu qaadaa” Sidaa waxaa yidhi
Maxamed Gabo-cade.
Xuseen Nuur Abu-Grush oo isna ka mida dadka reer
Berbera ayaa arigtidiisa weerarkii Laas-caanood uga waramay weriye C/raxmaan X.
Daahir (Casaan) waxaanu yidhi: “Sool waa in dhiig iyo dheecaanba loo huraa, in
qaranimada la daafacaana waa wax dhamaan inagu waajiba”.
Dadka reer Sool waxaanu ka
tacsiyadaynaynaa dhibaatada ay gurigooda ka rideen afar inan oo yaryar oo
nimaan dantoda wadin ku qadhaabanaya” Sidaasna isna waxaa aragtidiisa weerarka
Laas-caanood ku dhiibtay Jiif Caaqil M.M. Xandule (Indha-Cade).
Guud ahaan magaalada Berbera iyo
gobalka Saxil waxaay dadku u arkeen weerarkii Laas-caanood farogalin foolxun oo
lagu xad gudbay
Mudaharaadyo Lagu Diidan Yahay
Weerarkii Ciidamada C/Laahi Yuusuf Oo Ka Dhacay Hargeysa Iyo Berbera
|
H |
argaysa (Haatuf): Isu soo bax ballaadhan ayaa ka
dhacay fagaaraha khayriyadda ee Hargeysa shalay oo ay ka soo qaybgaleen
dadweynaha ku nool magaaladan Hargeysa. Madax ka tirsan hoggaanka ururada
siyaasadda ee Somaliland iyo mas’uuliyiintma maamulka dawladda ee magaalada
Hargeysa iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Somaliland, kulankaas oo ahaa
mid ay dadka ka soo qaybgalay madax iyo shiciba ku muujinayaan dareenkooda ku
aadan faragelintii ay dhowaan ciidanka C/laahi Yuusuf ku sameeyeen magaalada
Laascaanood ee gobolka Sool.
Guddoomiyaha urur siyaasadeedka KULMIYE Mudane Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaas khayriyadda ee shalay hadal u soo
jeediyay dadweynihii faraha badnaa ee ka soo qaybgalay ayaa yidhi; “Banaan-baxani
maaha mid aynu maanta ku kala qaybsanahay, mid Axsaabta iyo dawladdu ku kala
duwan yihiin maaha, mid dadweynaha iyo shacbi-weynaha iyo reer Somaliland ay ku
kala duwan yihiin maaha, waxaynu iskugu soo baxnay inaynu muujino dareenka iyo
shucuurta aynu ka qabno jiritaanka dalka iyo dadka Somaliland, inaynu u muujino
walaalayaal marka ugu horaysa waa inaynu ogsoonaanaa inaynu mar walba diyaar u
nahay oo u halgano oo aynaan cidna ka yeelaynin, burburinta iyo is-hortaaga
jiritaanka dalka, dawladda iyo qaranimada Somaliland, maanta weerarkaa lagu soo
qaaday, iyada oo uu madaxweynaheenii joogo magaalada Laas-caanood oo dalka Somaliland
ka mid ah waa mid aynu kuligeen canbaaraynayno oo aynu meel ka wada taganahay
in aynu mar walba dafacaada dalka aynu diyaar u nahay, horta waa mide dalkeenu
maanta marxalada uu marayo oo caalam koo dhami wada qiraayo oo aynu ogsoonahay
oo la inoo ictiraafsanyahay, iyadoo dhulkii Soomaaliya la odhan jiray meel
kasta dagaal ka socdo oo dunidu ku dhexjirto, inaguna aynu marayno heerkii aynu
caalaamka kale hiigsanaynay ee ahayd inaynu doorashooyin gaadhno, waxaa la
damcay in doorashadaa la inaga joojiyo oo halkaa dibu dhac la inagu sameeyo”.
Mudane Siilaanyo waxa uu hadalkiisa
ku xusay in ujeedada weerarkii Laas-caanood uu ahaa mid ku cadawa heer ka aay
Banaanbaxaa shalay waxaa yaguna hadalo ku jihaysan
weerarkii Laas-caanood ka soo jeediyay duqa magaalada Hargeysa Axmed Dheere,
Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Xuseen Cali Xirsi oo ka tirsan ururka UDUB iyo
mudane Cali Xasan Sheekhdoon oo ka tirsan golaha wakiilada ee Jamhuuriyadda
Somaliland, waxa kale oo halkaa laga tiriyay gabayo iyo heeso ku wajahan
wadaninimada.
Dhinaca kale sida uu kusoo waramay Wariyaha HAATUF ee
Berbera banaan bax balaadhan oo aay isugu soo baxeen dadweynaha magaalada
Berbera ee xarunta gobalka saaxil ayay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta
gobalkaasi ayaa shalay ka dhacay khayriyada magaalada Berbera, banaanbaxaas oo
lagaga soo horjeeday weerarkii ay dhawaan ku qaadeen magaalada Laas-caanood malayshiyo
ka amar qaadata C/laahi Yuusuf.
Banaan baxaas Berbera ee shalay waxaa dadweynihii ka
soo qaybgalay hadal uga soo jeediyay gudoomiyaha gobalka Saaxil isla markaana
ah duqa magaalada Berbera Maxamed Axmed Xasan (Talaada-Codle) oo sheegay in
gobanimada Somaliland aay tahay mid ku timid dhiig iyo halgan sidaas daraadeed
aan cidna ku soo xadgubi Karin, dadkeeduna aay heegan u yihiin in ay difacaan
dalkooda oo ay naf iyo maalba u huraan.
Gudoomiyaha gobalka Saaxil Maxamed
Axmed waxaa kale oo uu hadalkaa uu shalay u jeediyay dadweynaha reer Berbera uu
ku canbaareeyay weerarkii aay maleeshiyada ka amar qaadata C/laahi Yuusuf ku
soo qaadeen magaalada Laas-caanood oo uu ku tilmaamay gardaro aan geedna loogu
soo gaban.
“
|
U |
rurka Somaliland Forum ayaa
ugu deeqay guddiga doorashooyinka somaliland lacag dhan $5000, sida lagu
sheegay war-saxaafadeed uu ururku noogu soo diray khadka Emailka waxa ay ku
taageerayaan doorashooyinka dhawaan dalka ka dhici doona, warsaxaafadeedkaasina
wuxuu u qornaa sidan:
“Ururka Somaliland Forum oo beryahan danbe ku hawlanaa ka
qayb-qaadashada iyo gacan ka geysashadda doorashooyinka dhowaan dalkeena kusoo
fool leh, ayaa waxa ay maanta oo taariikhdu tahay 9ka Diisambar 2002, ku
wareejiyeen Koomishanka Doorashooyinka ee
Sidii aanu hore usoo sheegnay, waxa aanu aaminsanahay in waajib saaran
muwaadin walba oo reer
Waxaanu aad iyo aad ku hambalyeyneynaa dhammaan ururadda siyaasiga
Waxaanu ku dhiiri gelinaynaa Ururada Siyaasadda, Xukuumadda Somaliland
iyo dadka reer
Anagoo
hawshii doorashooyinka ku saabsanayd oo dhinacyo badan leh halkayagii ka
sii wadayna ayaa waxaanu halkan uga tahniyadeynaynaa Koomishanka Qaranka ee
Doorashooyinka oo hawshii balaadhnayd ee lagu aaminay ilaa iminka si fiican u
wada.
Gudoomiyaha: Ibrahim Hashi Jama, E-mail: i.jama@btinternet.com
; Fax: 44 709 233 4579. www.somalilandforum.com; iyo
www.somalilandelections.com
U
|
trecht - Munaasabad balaadhan oo si
fiican loo agaasimay ayaa lagu qabtay habeenimadii sabtida ee bishu ahayd 07
desember 2002 magaalada Utrecht ee dalka Holland. Munaasabadan
waxaa soo qaban qaabiyey ururka dhalinyarada Nomad ee Jaaliyadda
Munaasadan oo loogu magac daray Safe Democracy in Somaliland(
Badbaadinta Dimoqraadiyadda Somaliland), waxaa jaaliyadda Holland ku
taageerayeen doorashada soo socota, waxaana lacag loogu ururinaayey doorashada
dhawaan ka dhici doonta Somaliland taasoo jawaab u ah codsi ay hore guddida
qaban qaabadda doorashadu ugu soo jeediyeen Jaaliyadaha Somaliland ee
dibadda ku dhaqan.
Xafladan oo ay kasoo qayb galeen
dadweyne tiro badan oo ka kala socda qaybaha bulshada kana kala yimid degaanno
kala duwan. Waxaa markii ugu horraysay lagu furay aayado quraana. Xafladda oo uu xidhiidhinaayey Ismacil Cawl wuxuu qaddar hordhac ah
ka baxshay habsami socodka barnaamijka xafladda. Dabadeedna wuxuu
mikrifoonka kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha ururka Nomad
mudane Ciid Xasan Muuse. Mr. Ciid wuxuu ka warramay ujeedada
munaasabadda oo uu sheegay inay tahay xaflad laba
ujeedo leh oo ta hore tahay dabbaal degga ciidda Ramadan oo ay habboontahay in
madal ku kulmaan jaaliyadda reer
Iyo ta labaad
oo ah taageeridda dimoqraadiyadda
Mr. Ciid
waxaa kaloo sheegay in laga guuraayo nidaamkii beelaysiga ahaa loona
hayaansanyahay nidaamka dimoqraadiyadda ee ku dhisan tartanka axsaabta badan
taasoo uu sheegay inay habboontahay inay ka qayb qaataan dadka qurbaawiga ah si
loo dhiirigeliyo habsami socodka nidaamka Dimoqraadiyadda Somaliland.
Waxaa iyana goob joog ahaa urur
samafala oo la yidhaahdo Somaliland-boouwen oo
ka hawlgala
Waxaa iyana
munaasabadan goob joog ahaa qaarkamid ah ururada siyaasadda
Xafladan waxaa muusik iyo heeso
jaaliyadda ka haqab tiray fannaaniinta reer
Ugu danbayna
Jaaliyadda Somaliland ee
Cabdi Cabdillahi Xasan (Mataan),
waanu
ka xunahay weerarka ka dhacay laas-caanood
Anagoo ah jaaliyada somaliland ee joogta dalka yaman
waxa amakaag nagu noqotay warkii uu bbcdu sheegtay ee sheegayay in dagaal uu ka
dhacay magaalada laas caanood caasimada gobolka sool kaas oo u dhexeeyaya
meeliishiyo taageersan cabdilaahi yuusuf iyo ciidamada somaliland ee jooga
magaaladaa dagaalkaas oo ka dhacay ka dib markii madaxwaynaha somaliland
mr.Rayaale uu booqasho halkaa ku tagay hadaba hadii aan kala furfurno dhacdadaa
waxaa nooga soo baxaya natiijooyin badan oo nagu kalmin karta sidii aan u
dawayn lahayn falkaa.
Mr. Rayaale waxay
booqashadiisu imanaysaa ka dib markay halkaa tageen duqay iyo salaadiin reer
somaliland ah oo dhexdhexaadinayaay jilibyo reer sool ah siyaasadna halka kamay
madhnayn salaadiintaasi waxay baaq u soo gudbiyeen in ay maamulkeeda ku fidiso
sool iyo gobolada bari guud ahaan dad badan ayaa u arkaya inay booqashada
madaxwaynuhu ay ku timi taladiii duqaydaa ay kula taliyeen inuu tago laascaanood.
hadaba waxaa la yaab leh inay BBC-du waraysatay mid ka mid garaadada beesha
sool kaasoo inkiray inuu war ka ogaa booqashada madaxwaynaha Rayaale waxaa soo
gaadhayayna ay ahaayeen uun hadal ku soo dhacdhacayaay walaahi cajiib oo
miyuuna madaxwaynuhu la tashan garaadada beesha sool sidii looga soo dhawayn
lahaa laascaanood halkaa waxan ka ogaanaynaa inay laba ixtimaal jiraan ama in
uu madaxwaynuhu uu tagay laascaanood isagoona la tashan duqayda jooga hargaysa
ee u dhashay sool iyo kuwa joogaba laascaanood taasina run ahaantii waa talaabo
aan la yaabsanahay waxa keenay maxaa dhacay dadkan ayaa warka xogogaalka ka
haya dadkooda.
arinta labaad waa inuu madaxwaynuhu si buuxda uu
ula tashaday dadkaa oo ay kula taliyeen inuu tago laas caanood kuwaasoo ogaa
wuxuu kala kulmayo taasna iyagaa og waxay ula jeedeen.
Waxaan kaloo la yaabsanahay
miyuuna madaxwaynuhu wadan ciidamo ka hor iman kara
meeliishiyadan reer garawe balse maxay booqashada madaxwaynuhu u noqon wayday
marka laascaanood laga sifeeyo dadka u ololeeya puntland waxay ahayd in horta
la diro mr.qaybe iyo wasiirada u dhashay sool siday ugu gogol xadhaan
booqashada madaxwaynaha.
run ahaantii dadku aad
iyo aad ayay uga xumaayeen siday dawladu uga gaabisay inay wax ka qabato
soohdimaha somaliland gaar ahaana kuwa baridhacdadan danbe waxay noqotay tii
rasaasada naxariista ku dhufatay sumcada xukuumada hadana waxaan anigu
qabaa in talaabo laga qaato dhacdadaa oonan loo ogolaanin shuftada ka jirta
gobolada bari ee soomaaliya inay siyaasi ahaan ka faaiidaystaan dhacdadan oo ay
sheegtaan in ay leeyihiin sool iyo sanaag ta labaad garaadada beeshaaas waa
inay go'aan cad qaataan inay la jiraan somaliland hadii kale loola
macaamilo inay yihiin col ka soo horjeeda somaliland waa in
soohdimaha somaliland la geeyaa ciidanka qaranka ee somaliland dhiig kasta haku
daatee hadii ay reer puntland ay colaada jecelyihiina waa in dagaalku uuna ku
ekaan sodimaha sool iyo sanaag waa in la gaadhsiiyaa ilaa garawe iyo boosaaso
waa in si kasta looga shaqeeyaa sidii laaga dhisi lahaa sool maamul daacad u ah
somaliland
Wakhtigan aan hada joogno
ooy wakhti yar ka dhiman tahay doorashooyinku waa in dalka laga ilaaliyaa
qalalaasahaa balse haday dad col ah taa diidayaan waa inay noqotaaa aniga iyo
colkayguba dabku hana qaato
Cismaan Obsiiye (
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
·
Waa Buug Cusub oo
ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 – 1991
·
Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M.
Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Ganat: Bal waxaad wax iiga sheegtaa xubnihii dhergiga ?.
Mingistu: Markii
hore ee bilowgii xubnihii guddiyada ahaa ee shirarkii abaabulka ka soo qayb
galay waxay tiradoodu ahayd 170 xubnood, laakiin markii aniga lay doortay ka
dib waxa lagu yidhi raggii shirka ka soo qayb galay nin waliba warqadii lagu
soo wakiishay ha keeno, balse ragga qaarkood iyadoo aanay cidiba soo wakiilan
ayey shirka ka soo qayb galeen, sidaa darteed intii aan haysan waraaqihii lagu
soo wakiishay inta la canaantay ayaa la eryey, markaa intayadii soo hadhay waxaanu
noqonay 120 xubnood, intaas ayey ahayd tiradii saxda ahayd ee aasaaskii golaha
dhergiga.
Ragaas oo
dhami waxay u guntadeen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhaqdhaqaaqyadii
dalka ka socday. Ninka
la yidhaahdo Adnaafu xarakaadkii ka jiray magaalada Adis-ababa gacan weyn buu
ku lahaa , isaga markii uu qaraxii kacaanku soo dhowaa wax ka baran jiray
jaamacado Adis-ababa ku taal oo laga barto sharciga diblomaasiyadda, sidaa
darteed abaal-gudkii la siiyey waxa uu ahaa mid uu u qalmo,. Sidoo kale
hawl-galadii ay ciidanku ka wadeen dhinaca Ereteriya nimankii hawl-galkaa isku
dubaridayey waxa ka mid ahaa Nasiibuu iyo qaar kale, sidoo kale ninka la
yidhaahdo Fisaha Dasta kacaanka ka hor
waxa uu ahaa nin aan siyaasadda ku jirin, laakiin markii dambe waxa uu ahaa nin
kaalin weyn ka qaatay oo aanay cidina ka badsan hawl-galadii dhaqdhaqaaqa, isla
markaana Fisaha Dasta waxa uu ahaa ninkii wejigayga farxadda ku abuuri jirey ee
I dhiiri gelin jiray marka ay arimuhu kululaadaan ee ay xaaladdu adkaato, isaga
oo hadalo yar yar oo goolaaftn ah ii odhan jiray.
Ninka la yidhaahdo gaashaanle Asraat Dastaa waxa uu ahaa nin suxufinimada dalka
Maraykanka ku soo bartay, wuxuuna ahaa nin aad iyo aad u fud-fudud oo abaabul badan, sidoo kale ninka la
yidhaahdo Saadaw Sakaariyas waxa uu ahaa
ninkii magaca Dhergi bixiyey.
Dhawr bilood ka hor intii
aanu boqorku xukunka ka degin
qolada maamulka ku jirtaa waxay niman ad-adag oo halis ah, waayo
imisa goor ayey xadhig noo maleegeen oo ay ku talo galeen inay na baabi’iyaan. Ninka la yidhaahdo Liij Indhaalshaw (Wasiir) waxa uu ku talo galay
inaanaan ku shirin xerada guutada afraad, taas oo uu doonayey inuu shirkayaga
baabi’iyo. Waxaanu samanay toddoba xubnood oo ay ku
jiraan xubno guddiga sare ee dhergiga ah, kuwaas oo ka qayb geli jiray shirka
golaha wasiirada, laakiin qolada maamulku geeska ayey nagu feedheen, sidaa
darteed waxaanu maqalay iyaga oo leh hadalo ay ka mid yihiin “Halka labada
dawladood laga yahay maxaa xal kale loo raadin waayey”.
Tusaale ahaan nin ahaa
boolis-milateriga oo la odhan jiray gaashaanle Tajaane oo ahaa Indhaalshaw
qoyskooda iyo mid kale oo isna la odhan jiray Basaabih oo tigree ahaa iyo
weliba mid kale oo ciidanka dhulka ahaa oo la odhan jiray Laba Alifle Shafaraw iyo nin kale oo ilaalada
boqorka taliye u ahaa oo la odhan jiray Kornayl Daasaw Moojo iyo qaar kale
waxay dhammaantood ahaayeen kuwii nala dagaalamayey ee u ordayey inay na
laayaan., maalintii dambe ayuu nin la odhan jiray Xaylu Yaadesa u yimi ninka la
yidhaahdo Naadaw Sakaariyas, wuxuuna ku yidhi “Ninka la yidhaahdo Mingistu
Xayle Mariam maanta meelahan ka fogeeya oo hays ilaaliyo”, dabadeedna markii
aanu warkaa maqalay ayaanu xerada guutada afraad galay oo aanu isku xidhnay
meel.
Ganat: Markii ay waxaas oo dhami dhacayeen
boqorku muxuu odhan jiray ?.
Mingistu:
Boqorku markii dadkaas oo dhan la xidhxidhayey mar qudha kama uu hadlin,
waxayna u ekayd saraakiisha xidhxidhan arintooda inay boqorka iyo Indhaalshaw
wax iskaga ogaayeen oo ay isla afgarteen, waayo labadoodu waxay gaadheen go’aan
odhanaya shicibka su’aalahooda ayuun
baynu fulinaynaa, ta kale siyaasadda Indhaalshaw ee ku waajahan dhinaca
saraakiisha sarsare ee hore ula soo shaqayn jiray maamulka waxay ahayd oo hal-kudhegiisu ahaa “Nimankani
waqtigii ay kalsoonida lahaayeen ee ay maamulka la soo shaqaynayeen way soo
dhamaysteen, wayna soo faa’iidaysteen, laakiin hadda waqtigu wuu soo tufay,
sidaa darteed si aanu u badbaadino boqortooyada, anaguna aanu kurisga u sii
joogno maadaama ay dadku naceen ma badbaadin karno iyaga, sidaa darteed waa
inay agteena ka tagaan” sidaa ayey ahayd siyaasadda Indhaalshaw, boqorkuna
sidaa wuu ku raacsanaa. Laakiin boqorku qoladii saraakiisha ahayd ee ku
dhowdhowayd ee ay gacan-yarayaashiisu ka mid ahaayeen markii la qabqabanayey
dareen buu ka muujiyey, waayo kuwaa waxaanu go’aaminay in la xidhxidho, ka
dibna waxa la dhigay jeelka, balse boqorka markii la xidhay inankii ay
gabadhiisu dhashay Riir Admiiral Iskandar ee janaral Asfaa diiday in loo galo,
boqorku wuxuu yidhi “Meeyey halkee buu tegay, maxaad u qaadaysaan, maxaad
leedihiin buu geystay, waa inaad daysaan, hadii kale anagana na xidha” ayuu
yidhi, isaga oo ka cadhaysan xadhiga wiilka inantiisu dhashay, ka dibna
askartii madaxtooyada ayaanu ku nidhi isaga iska daaya, dabadeedna dib ayaa loo
celiyey, basle markii uu habeenkii joogay ee uu is yidhi dhulku waa nabad ayey
aroornimadii ciidanka Asluubtu soo qabteen oo xidheen, waana loo sheegay
boqorka in hadana la xidhay.
Boqorku maalintii uu kurisga
ka degay , waxa qoraal uu ururka dhergigu soo
diyaariyey qaaday koox uu madax ka yahay Dabalaa Dinsa, waxaana loo sheegay
inuu xukunka ka dego. Dabadeedna habeenimadii oo dhan sidii loo ilaalinayey
qasriga boqortooyada ayey ciidamadu subaxnimadii ku waaberiisteen meelo ay ka
mid yihiin, wasaaradda arimaha debedda, Hilton Huteel, agagaarka madaxtooyada
iyo meelo kale, waxaana meelahaa lagu wareejiyey taangiyo iyo ciidamo kuwa
lugta ah, isla markaana aad baa loo adkeeyey ilaalinta madaxtooyada iyo goobaha
muhimka ah oo dhan, anigu markaa waxaan ka mid ahaa qolada wax walba ansixinaysa,
laakiin maamulka magaalada iyo ilaalinteedaba waxa qaabilsanaa janaraal Amaane
iyo Gabra Kidaan, ka dibna inta ay is raaceen ayey habeenkii oo dhan
wareegayeen ilaa waagu ka beryey, iyaga ayaana qaabilsan hawl-galka la
xidhiidha ka hortagga wixii had-ba soo kordha.
Markii uu boqorka xilka
dhigay ee uu ka soo baxayey madaxtooyada dadkii isu soo ururay ee boqorka ku
lahaa “Tuuga, tuuga”, may ahayn dad ay golaha dhergigu soo abaabuleen oo ay
ogaan u soo ururiyee, sidaa darteed dadka yidhaahda ogaan bay Dhergigu dadkaa u
soo ururiyeen si ay boqorku u caayaan, taasi waa wax been ah oo runta ka fog.,
laakiin way jirtay inay dadku isu soo urureen, iyadoo aad moodo in ogaysiis
loogu yeedhay, waxayna ku dhawaaqayeen “Tuug, tuug”, basle dadkaasi may ahayn dad
aanu anagu soo ururinay, laakiin maadaama ay xaaladdu ahayd mid dareen leh,
isla markaana ay waqti walba wax dhici jireen dadku goor walb idaacadda ayey
dhegaysan jireen oo ku hoos nabnaan jireen, sidaa darteed maalintaa
habeenimadeedii waxa soo gelayey ciidii “UNQUDAADASH”, waxaanuna telefishinka
ka sii daynay cajalad ka hadlaysa abaarihii ka dhacay gobolka WALO, sidaa
darteed dadka dhegta ayaa taagnayd, waxaana la is lahaa wax baa dhici doona,
markaa dad is lahaa wax baa dhici doona ama laga yaabo inay war heleen ayaan u
malaynayaa inay ahaayeen dadkii madaxtooyada horteeda isugu yimi ee boqorku ku
qaylinayey…
La soco cadadka dambe…...
|
H |
argeysa (Haatuf): Maanta waxa dunida oo dhan looga dabaal-degayaa maalinta xuquuqda aadamaha oo sannad-kasta la xuso tobanka Diisambar.
Ururka xuquuqda aadamaha
War-saxaafadeedka ay soo
saareen ururka xuquuqda aadamaha Samotalis oo uu ku saxeexna ninka dhinaca
war-faafinta u qaabilsan, Caraale Maxamuud Jaamac waxay ku sheegeen inuu
hal-kudhegga sannadku yahay “ Fursadda ugu wanaagsan ee ka hortagga meelkadhaca
xuquuqda aadamaha, waxa sal u ah, xal u helidda shaqaaqooyinka iyo difaaca
sharciga iyo qawaaniinta , taas oo muujinaysa muhimadda ay leedahay dhawrista
nabadgelyadu, wuxuuna ururka Samotalis halkudhegiisa la mataaneeyey
halkudhegga guddiga xuquuqda aadamaha ee
jimciyadda qaramada midoobay”.
Ururka xuquuqda aadamaha Samotalis waxa kale
oo uu war-saxaafadeedkiisa ku yidhi “Ururka Samotalis, isaga oo ka duulaya
Ahmiyadda iyo qiimaha ay leedahay maalintani waxa uu shacbiga Somaliland iyo
shucuubta caalamka u rajaynayaa nabadgelyo iyo xasilooni waarta, isla markaana
waxa uu bulshada Somaliland ugu baaqayaa inay adkeeyaan nabadgelyada, iyadoo ay
doorashooyinku ka mid yihiin tiirarka ugu muhimsan ee xuquuqda aadamaha, sidaa
darteed ururka Samotalis wuxuu soo dhowaynayaa xaqa uu qof kastaa u leeyahay
inuu dhiibto codkiisa, iyadoo ay hubaal tahay hadii aanay nabadgelyo jirin
inaanay taasi suurta gelayn”.
Ururka Samotalis waxa kale
oo ay yidhaahdeen “Ururka Samotalis isaga oo ka Shidaal qaadanaya halkudhegga
kor ku xusan wuxuu canbaaraynayaa falkii argagixiso ee 7-dii Diisambar lagula
kacay madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisii, iyaga oo booqasho ku jooga
laascaanood, weerarkaas oo waxyeelo loogu geystay dad maato ahoo isugu jira
dumar, caruur iyo dad waayeel ah, isla markaana khal-khal iyo cabsi ku abuuray
bulshada ku dhaqan gobolkaa”.
Ugu dambayn ururka Samotalis
waxa uu ku baaqay in la ilaaliyo nabadgelyada, wuxuuna ka digayaa falkasta oo
wax u dhimaya nabadda.
Dhinaca kalena xoghayaha guud ee qaramad midoobay Kovi Anan
ayaa ka hadlay munaasibadda xuquuqda aadamaha, wuxuuna dunida ugu baaqay in la
ilaaliyo xuquuqda aadamaha.
|
L |
aas-caanood (Haatuf): Dad ay tiradoodu gaadhayso ilaa 5 qof ayaa
dhintay, inka badan dhawr iyo toban qof oo kalena waxa soo gaadhay dhaawacyo
kala duwan, ka dib markii uu baabuur tikniko ah oo ay leeyihiin ciidamo ka
socda maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf oo shalay magaalada so galay jiidhay
bakhaar ganacsi oo lagu xoonsan yahay, taas oo uu baabuurkaa tiknikada ahi si
weyn ugu gal-gashay bakhaarkii iyo dadkii ku xoonsanaa, halkaana ugu geystay
dhibaato weyn.
Abaaro
Ciidamada uu hogaaminayo wasiirka daakhiliga maamul-goboleedka
Puntland, Axmed Cabdi Xaabsade waxay degeen gurigii la dejiyey weftigii
madaxweyne Rayaale oo ku yaal xaafadaha dhinaca koonfureed ee magaalada
Lascaanood ilaa haddana wax hadal ahi kama soo bixin ninka ciidanka hogaaminaya
Axmed Cabdi Xaabsade, isla markaana sida ay sheegeen ehliyadda dadkii halkaa ku
dhintay ama ku dhaawacmay wax jawaab ah kama ay helin ninka hogaaminaya
ciidamada dhibaatada geystay. “Cid wada hadashay ma jirto
dadkuna aaskii iyo kala gurkii dhaawaca ayuu ku mashquulsanaa, ninka
ciidankiisu dhibaatada geystayna cidna lama hadlin”, sidaa waxa yidhi mid ka
mid ah dhawr qof oo aanu la xidhiidhnay iyaga oo jooga Laascaanood.
Waxa kale oo ay wararku
sheegeen inay ciidamo kale oo Puntland ahi ay ku soo fool leeyihiin magaalada Laascaanood,
kuwaas oo ka soo jeeda dhinaca Garoowe waxa lagu waday inay xalay ku soo
hoydaan Laascaanood, iyadoo ay wararku leeyihiin ciidamada uu hogaaminayey
Axmed Cabdi Xaabsade ee maalin-badhkii soo gaadhay magaalada waxay hordhac u
ahaayeen ciidamo kale oo intaa ka badan oo ku soo aaddan gobolka Sool si ay
halkaa awood adag ugu yeeshaan. Hase yeeshee ciidamada badan ee ku siyaadiyey
magaalada laascaanood waxay walaac weyn geliyeen dadweynaha halkaa ku dhaqan,
kuwaas oo werwer ka qaba inay meesha ka dhacaan iska hor-imaadyo milateriga,
iyadoo ay dhinaca dawladda Somaliland-na laga filayo inay taa jawaab ka bixiso,
taasina keento iska hor-imaad milateri oo dhex-mara maamul-goboleedka Puntland
iyo dawladda Somaliland.
Culayska ciidan ee ku soo
kordhay magaalada Laascaanood waxay keentay dareen didmo leh oo soo food saaray
dadweynaha reer Laascaanood, waxayna wararku sheegeen inay dadka qaar ka baxeen
magaalada iyaga oo ka cabsi qaba in la isku dhex-qabsado, sidoo kalena dadka
magaalada ku dhaqani aad bay uga werwersan yihiin xaaladda, waxaana dareenka
dadka ka muuqda sansaan ay kaga diyaar garoobayaan iska hor-imaad milateri oo
magaaladooda ka dhaca, kuna khasba inay qaxaan.
Dhinaca kalena ciidamo xoog
leh oo ka tirsan ciidanka Qaranka dawladda Somaliland ayaa lagu ururiyey
degaanka tuullada Oog oo ka tirsan gobolka Sool, ciidamadaasna inkasta oo aanay
dawladda Somaliland wax war ah ka soo saarin waxay dad badani aaminsan yihiin
inay heeggan u yihiin sidii ay jawaab uga bixin lahaayeen ciidamada maamul-goboleedka
C/laahi Yuusuf ee qabsaday gobolka Sool.
Ciidamadan cusub ee uu
maamul-goboleedka C/laahi yuusuf keenay magaalada laascaanood waxay laba
maalmood ka dambaysay markii sabtidii toddobaadkan madaxweyne Rayaale iyo wefti
uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga Laascaanood ay weerar lama filaan ah la
beegsadeen ciidamo tikniko wata oo ka soo duulay magaalada Garoowe ee xarunta
maamul-goboleedka Puntland, halkaasna uu ka dhacay dagaal dhimasho iyo
dhaawac-ba geystay, isla markaana sababay inay madaxweyne Rayaale iyo
weftigiisii ka soo firxadaan Laascaanood, iyaga oo dib ugu soo laabtay
magaalada Caynaba oo ku taal badhtamaha Burco iyo Laascaanood.
Hargeysa (Haatuf): Golaha salaadiinta
Bayaan qoraal ah oo
saxaafadda loogu talo galay oo ay salaadiintani xalay na
soo gaadhsiiyeen waxay ku sheegeen inay canbaaraynayaan weerarka, isla markaana
ay madaxweynaha iyo weftigiisa iyo dadkii ay waxyeeladu ku soo gaadhay
weerarkaa uga tacsiyadaynayaan dhibaatada ka soo gaadhay weerarka ay ku soo
qaadeen ciidamada Puntland. Qoraalkaasina waxa uu u qornaa sidan:
”Golaha salaadiinta
Somaliland waxa uu si kulul u canbaaraynayaa weerarkii foosha xumaa ee laga soo
abaabulay magaalada Garoowe, ayna ka dambeeyeen C/laahi Yuusuf iyo kooxdiisu,
iyaga oo ku soo xad-gudbay xuduudka Somaliland, weerarkaas oo ay la beegsadeen
booshadii uu madaxweynuhu ku joogay magaalo-madaxda gobolka Sool ee Laascaanood
waxay ujeedadiisu ahayd waxyeelaynta nabadgelyada kaa taaba qaaday Somaliland
iyo isku duubnidda shacbigeeda. Sidaa darteed waxa uu golaha
salaadiintu uga tacsiyadaynayaa madaxweynaha, madaxweyne-kuxigeenka iyo ummadda
reer
|
G |
ebilay (Haatuf):Wefti ka kooban labada Maayar ee labada degmo ee
Gebilay iyo Baki {Abiib Xasan Fil-fil
& Idiris Faarax Rooble) iyo guddi ka socda wasaaradda arimaha gudaha
Dhinaca kalena maayarka degmada Baki waxa uu sheegay inay
degmadiisa ku habsadeen xanuuno ka dhashay kaneeco dadka cuntay beryo hore iyo
abaaro, taas oo uu sheegay inay dhibaato weyn soo gaadhsiisay dadka iyo
xoolahaba, wuxuuna ku baaqay in loo fidiyo gurmad aadaminimo. “Meelaha xanuunku ku habsaday waxa u badan soonaha Cali-xaydh,
umana hayno daawooyin aanu kula dagaalano, cusbataalna waxa noogu dhow
Boorame”ayuu yidhi maayarka Baki.
Baaxaa-Deggii
Jacaylka: Billan Iyo Baxnaan
Q: 21aad – Sheeko taxane ah – waxa qoray Cumar D. Cumar (
|
B |
axnaan
wuxuu isku dayay inaan codka hadalka Qaali
kor u kicin si aan arrintu u gaadhin cid kale, maalintaa Baxnaan muu
haleelin cid kale ee wuxuu ku mashquulay sidii uu u dejin lahaa Qaali oo aad u
xanaaqsan, marka uu Baxnaan niyadiisa dib ugu noqdana arrinta ay ku doodayso
Qaali waa arrin jirta, Baxnaan wuxuu hoos ahaan naftiisa ugu sheegay in
caqligiisu si fiican aanu u fakarin habeenkii ugu horeeysay ee ay Qaali ku
kulmeen albeergo ku taala Gebiley oo ay kooxdooda fanaaniinta ahi ay riwaayad
geeyeen, jawiga maanta ee ku xeeran Baxnaan iyo Qaali ma aha mid leh
dhaldhalaalkii iyo dhoola cadayntii habeenkii ay arrintan maanta taagan
sababteedu dhex martay Baxnaan iyo Qaali , codkii dabacsanaa, jajabnaantii,
raali galintii, soo dhaweyntii fara badnayd, ee uu Baxnaan Qaali kala kulmi
jiray maanta ma muuqato, Qaali waxay ku hufaysaa Baxnaan ereyo, ereyba ereyga
kale ka kulul yahay, wajigeedana waxaa ka muuqata cadho, sidii qof aan dhawr
habeen seexan, Baxnaan waxaa hortaala maahmaahda ah “intaanad falin ka fiirso”
dariiqa qudha ee u banaani waa inuu fuliyo waxa ay Qaali doonayso oo ah inuu guursado, Baxnaan wuxuu
rumaysanyahay in gar loogu leeyahay arrintan, waxaase uu werwer weyni ka
haystaa sida arrintaasi ay u saamayn doonto xaaskiisa hore ee bilan oo ku leh
qadarin qalbigiisa oo uu u arko in arrintan ay u arki doonto nin ku wacad
furay, Qaali waxay u dhiibtay Baxnaan go’aan
adag oo ah in aanu meel u dhaqaaqi karin ilaa uu arrinteeda dhameeyo, hadduu u
dhaqaaqana in ay gurigiisa ugu iman doonto oo ay arrintu gaadhi doonto bilan,
markii ay arrintu muddo cakirnayd ee ay hadalada isku celceliyeen ayay arrintii
dhexgashay inan ay guriga wada degenaayeen Qaali oo la yidhaa Raxma waxaanay ku
dhexdhexaadisay in ay iyadu u yeedho sheekha oo arrinta halkaa lagu dhameeyo,
Baxnaan ayaa yidhi “adeer arrintu ma mid sidaa u fudud ee in loo soo diyaar
garoobo ayay u baahantahay”, haba odhan lahaydaa markii ereyadaasi ay ka soo
baxeen Baxnaan ayay Qaali oo lalaysa
dusha kaga dhacday Baxnaan qaniinyo iyo cidiyaha oo ay ku xagatay ayay isugu
dartay, qaylana cirkay ku toshay, dadkii jaarkaa ku soo ururay, Raxma ku kala
dhex jirta oo leh naa Qaali xishoo, ceebtaada alle ma asturee, markii ay Raxmi
kala furfurtay Qaali iyo Baxnaan oo
balaayo ku habsatay garana la’ talaaabadii dambe ee uu qaadi lahaa, ayay Raxmi
dibada ugu baxday dadkii soo buuqay iyadoo leh waa nin iyo naagtii, oo yara
wada hadlayee waxa kala ma jiraan, iska taga, Baxnaan wuu maqlayaa ereyadan ay
Raxmi ku kala kaxaynayso dadka ku soo buuqay, maalmo badan oo uu Baxnaan iska
waabiyay Qaali isaga ayaa u muuqday ninka
gacanta sare leh, laakiin maanta ma leh adadaygaa oo waxaa uu Baxnaan eeday
muraadsigiisii gaabnaa ee dhinaca Qaali
habeenkii ay ka dhigeen riwaayada “Qalbi jacayl iyo qiil magaalo”,
Baxnaan wuxuu dhexdabaalanayaa bad mawjadeedu sidato oo aanu ka bixi karayn
ilaa uu yeelo hindisihii ay ku dhexdhexaadisay Raxmi, haddii u fuliyo xataa ma
aha barnaamijka Qaali mid ku eg arrintan
ee haddii loo yeedho sheekha oo ay arrintu dhamaato, Qaali waxay noqonaysaa xaaskii 2aad ee Baxnaan
waxaanay xaq ugu leedahay in baro iyo biil-ba uu siiyo, Raxma oo cabaar debada
kaga maqnayd ayaa soo noqotay iyada oo ay la socdaan laba nin oo gashan
macawiso sitaan cumaamado, Qaali markii
ay aragtay labada nin ee la socda Raxma, ayay shalmad hagoogatay oo ay u
fadhiisatay si asluub leh oo ka duwan sidii ay markii hore u fadhiday, Raxma
ayaa tidhi Baxnaan waakan sheekhii ee arrinta dhamaysta, Qaali ayaa hoosta ka
eegtay iyadoo dhaadaysa bal wuxuu ku jawaabo Baxnaan, sheekhii oo aan sugin
jawaabta Baxnaan ayaa farta ku fiiqay markii hore Qaali oo yidhi “inanta la meherinayaa ma inantanaa”,
sheekhu ma oga ama looma sheegin sababta dedejinaysa meherkan, kama muuqdaan
Qaali calaamado uu ku garto, Qaali ayaa ku jawaabtay, haa sheekhu dhinicii
Baxnaan ayuu u jeestay, ma ninkanaa mehersanayaa, Baxnaan oo ka warqaba jawaab
aan haa ahayni haddii ay ka soo baxdo in buuq iyo qaylo halkaa ka dhacdo oo
lagu soo ururo ayaa yidhi “Haa ee sheekh ii meheri” markii uu afqaaday
labadoodiiba ayuu sheekhu ka codsaday Raxma in loo baahanyahay nin kale si loo buuxiya
shuruudaha meherka, Raxmi taasi meel fog kamay doonin ee waxay u yeedhay inan
ay jaaryihiin, oo ku soo wargalisay arrintan uu markhaati ka noqonaya, arrintii
markii ay dhammaatay oo ay Raxmi sheekhii ambabixisay, ayay Raxmini
macasalaamaysay, Baxnaan iyo Qaali , macasalaamayntaas oo ahayd in Raxmi ay
saaxiibadeed Qaali oo la guursaday
awgeed ay u deyn doonto in iyada iyo ninkeedu ay halkaa u hooydaan, Qaali waa u aroos, laakiin Baxnaan wuxuu
rumaysanyahay inuu galay qab oo uu ka soo dhex jeedo dabinkii, waxaase jirta in
aanu Baxnaan cidna ku eedayn karin in ay dabinkaas galisay ee uu isagu
lugihiisa ku doontay, habeenkaa uu dabinka galay Baxnaan ma aha caawa ee waa
habeenkii ay u hoydeen Gebiley ee ay Qaali hilaac iyo hogol roob u ahayd
Baxnaan oo uu si fiican u raali galiyay dareenkiisii rabitaanka ee habeenkaasi
haddii uu Baxnaan islahaa habeenkaa ka muraadso Qaali ,
Beel Ka Mid Ah
Deegaanka Boorama Oo Kalsoonidii Kala Noqotay UDUB
|
B |
oorama (Haatuf)
bayaan ay soo saareen madax-dhaqameedyo iyo waxgaradka ka tirsan beesha Reer
Dudub oo ka tirsan beelaha reer Boorama ayay ku sheegeen inay kalsoonidii kala
noqdeen ururka UDUB ee xukuumada haya. Beeshan oo uu ka soo
jeedo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ah Gudoomiyaha UDUB waxa ay
bayaankooda ku xuseen sababta ay kalsoonida ugala noqdeen UDUB oo ay ku
eedeeyeen cadaalad xumo.
Bayaanka ay
soo saareen beeshaasi oo uu noo soo diray, Weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed
Cumar waxay ku yidhaahdeen “shir ay isugu yimaadeen madaxdhaqameedyada iyo
waxgaradka beesha reer Dudub ama deegaanada jifooyinka, qul-ujeed, xariirad,
ceel baxay, iyo aroos ceel bishan 4teedii ayaa waxay go’aansadeen inay kalsoonidii
iyo taageeradii kala noqdaan ururka UDUB sababo ay ka mid yihiin:
-
cadaalad darro ka dhex jirta
ururka, taasoo keentay in musharaxiintii beesha qul-ujeed laga saaray
xubnahoodii.
-
Ururka oo aan lahayn wada tashi beesha dhexdeeda
ah
-
Wax qabad la’aan
-
Ururka UDUB oo ay ka dhex waayeen dad magac leh oo
xalin kara khilaafaadka beesha ama deegaanka dhexdiisa,
Xubnaha
bayaankan saxeexay waxaa ka mid ah
1-
Faarax Xasan Bilaal Duqa Degmada Qul-Ujeed.
2-
Nuur Daahir Hanfi
3-
C/Laahi Xuseen Kaahin
4-
Nasiib X. Bahdoon
5-
Cabdi Meecaad Alaale
6-
Caaqil Meecaad Cawaale
7-
C/Raxmaan Cumar Xaaji
8-
Barkhad Aarayte
9-
Chief Caaqil Waraabe Gasle
“Waxa La Duudsiyay
Xuquuqdii Beesha Sacad Muuse”
Taariikhdu ma duugawdo, hadii dadka qaar is diidsiiyo ama dafiro iyada ayaana dib isu qorta.
Taariikhdan
halkan ku xusani waa mid ka marag kacaysa in caasimada gobolka Saaxil ee “Berbera”
ay ahayd ilaa weligeed mid ku abtirsata “xadaarad”, waxaana hiddo iyo hantiba u
lahaa samaynta iyo meel ku oolka caasimadaa iyada ah “magaalo Madaxda gobolka
Saaxil” ee Berbera reerka sacad Muuse oo dhaqankoodu ku dheehan yahay,
xadaaraddana ka qayb ahayd magaca iyo caanbaxa magaalada Berbera.
Deegaanka Berbera
waxa loo qaybsaday:
4 beelood
oo kala ah (a)ciise Muuse, (b) habar-jeclo, (c) Sacad Muuse, (d) Muuse cabdalle.
Sacad Muuse
qaybtaa wuxuu xaq u lahaa 5 xubnood, hase yeeshee 2 xubnood ayaa laga siiyay,
liiskii qarsoodiga ahaa waxaa la dhigay 2dii xubnood ee Sacad Muuse, meel aan
ku haboonayna waa laga dhigay oo iska dhexdhexaad ah, arrinkii oo Sidaasi ah,
ayuu liiskii la wareegay “M/weyne-xigeenku oo faraha laga geliyay, shaandhayn
cusub oo beesha Sacad Muuse ah iska daayoo, tii uu ka tirsanaa liiskeedii ayaa
madax iyo minjo loo rogay, labadii Sacad Muusena intuu soo qaaday ayuu raarka
dambe ee baabuurka ku Xidhay si aanay si hawl yar deegaanka ugu gelin isaga oo
ay ka tahay si aanay beesha Sacad Muuse uga muuqan deegaanka Berbera.
Nin baa
yidhi “intaad qalaysay, ana waan qaybinayay”, beeshu markay arrinkaa ogaatay,
waxaanu ku tashanay in aanu ka baxno xisbiga UDUB oo aanu doorano Xisbi kale oo
ay ka sharaxan yihiin 2 nin oo Sacad Muuse ahi, oo aanu soo saarno labadaa nin.
Waxaanay soo geli doonaan isaga oo arkaya
Madaxweyne-ku-xigeenku Golaha Deegaanka ee Berbera. Waxa
uu ka sameeyay M/weyne-xigeenku magaalada Berbera ee faro gelinta liiskaa ah,
waa mid geli doonta taariikhda magaalada Berbera noqona doonta lama ilaawaan.
Haddaba,
iyada oo mudane Daahir Rayaale Kaahin u hantay xukunkaasi si toosan intii uu
hayay xilka, ummaduna kaga raali tahay, waxaa waajib ah in uu ku xigeenkiisuna
kaga daydo, ogaadana waxaa uu ku kacay in lagu garanaayo, waxaasi way hor iman
doonaan.
Beesha
Sacad Muuse waxay degtaa min Hudisa Galbeedkeeda iyo Barigeeda ilaa wagar,
waxaanay dadka halkaasi deggan ka noqonayaan 40% iyaga oo halkaasina ka
xiddhiidhsan ilaa Berbera ilaa Bullaxaar, waxaana halkaa ku jira ilaa 15,000
sawd.
Axmed Gamuute Diiriye Hargeysa
“Nimaan kuu Furi Doonin
Yaanu Kuu Rarin”
Soomaalidu
been way sheegtaa beense ma maahmaahdo ayaa horay loo yidhi waxaa ka mid ah
maahmaaha Soomaalida taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa, hubsiimo halbaa la
siistaa, nimaan kuu furi doonin yaanu kuu rarin, siday la wada socono waxaa
fooda inagu soo haya doorashooyinkii ay 6 xisbi ee haatan jiraa ugu tartami
lahaayeen hogaanka dalka saadaal ama qiyaas laga eegay ra’yiga dadweynaha
xisbiga ilaa iyo haatan kaalinta 1aad kaga jira waa HORMOOD waxqabadka muuqda
ee ay ilaa haatan la yimaadeen waxaa ka mid ah iyagoo meel isugu keenay oo
mideeyay 3 xisbi halka xisbiyada kale uu dhexdooda ka jiro khilaaf baaxad weyn
qaarbaaba muran ka taagan yahay liiskii xubnaha deegaanka, qaarna waxaabay isku
haystaan cidii u noqon lahayd musharaxa xisbigan waxaa hogaanka u haya rag
dhalinyaro ah oo kuwii ugu haboonaa inay hogaan qabtaan waa ragii muddo haatan
laga joogo 20 sanadood jeelka uu Afweyne ugu riday daryeel ay u samaynayeen
bulshadoodii tabaalaysnayd hadaan wax idiinka sheego ragas waxaa ka mid ah
Axmed Muxumed Madar, Maxamed Baaruud, Maxamed X. Muxumed, Barbaraawi, Axmed
Xuseen Caabi, kuwaasoo halgankii SNM qayb libaax ka soo qaatay, waxaa kaloo ka
mid ah ragan lagu aamini karo maskaxdooda iyo maankooda inay hogaan ku qabtaan
Mr.Axmed Sandon Mr. Dube Cali Yare, iyo rag aana halkan ku soo koobi karin
magacyadooda, xisbigan oo musharaxa M/weynenimo u taagan yahay halyay Cumar
Carte oo si weyn loo yaqaan waxyaabaha uu ilaa haatan inoo balan qaaday ee uu
fuliyay waxaa tusaale u ah xayiraad ka qaadidii xoolaheena loo iibgeyn
Sucuudiga albaab xidhan waxaa furi kara ninkii sita mafaatiixdiisa, haddii aanu
khasab ku jabin oon isaga daalac loo raacin, waa ninka kaliya ee maanta inagu
dari kara beesha Caalamka Soomaaliyana hore ugu daray markii ay midowga lahayd
waar hooy talo waa intay gacantaada ku jirto, bulshooy ka fiirsada oo codkiina
ha la siiyo HORMOOD.
Saadaad Aadan Cismaan
Hargeysa
Waxaanu
Iska Casilnay Musharaxnimadii KULMIYE, Gebiley, Waxaananu Ku Biirnay Ururka
UCID
Anaga oo kala ah saddex musharax iyo qasnajigii Tog-wajaale waxaanu ka baxnay xubinimadii aanu kaga midka ahayn ururka KULMIYE markii si khiyaamo ah anaga oo aan ogayn xaga dambe lanagaga qoray liiska musharaxyadaa kow iyo labaatan (21), ee KULMIYE Gebiley, waxaanu ka doorbidnay liiska musharaxyada KULMIYE ee xaga dambe lanaga qoray taageerada ururka Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID oo aanu ku biirnay,
Xasan Ibraahim Warsame
C/Laahi Maxamed Jaamac
C/Laahi Maxamed Xirsi
Axmed Aadan Dhimbiil (Qasnaji)